Madaxweynaha wuxuu booqanayay deegaanno ay saameeyeen dabka oo inta badan ka kaca keymo ku yaalla halkaas, waxaana ku dhintay hal qof halka dad kalena ay ku dhawaacmeen.
Dadka dibadbaxyada dhigayay ayaa ka careysnaa qorshaha dowladda ay mashaaric uga fulineyso gobolkaas oo qani ku ah dahabka, maartak iyo maaddada Uranium-ka, sida uu ku warramay wargeyska ClarÃn.
Muuqaallo ayaa muujinayay dadka oo dhagxaan la dhacaya baabuurka madaxweynaha xilli qaarkood ay isku dayayeen inay hor joogsadaan.