Dhageyso:>Waare”Siyaasiyiin Kusugan Muqdisho Ayaa Dhaqaalo Ku Bixinaya In Aan Joojino Dagaalka Aan Kula Jirno Al-Shabaab”

Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in Maamulka Hir-Shabelle oo bilaabay qorsho uu ku tababaro Ciidamo ka qeyb qaata dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in Xarumo Ciidan laga sameeyey Magaalooyinka Jowhar iyo Baladweyne balse waxa  uu sheegay in ay jiraan dad diidan dagaalka Al-Shabaab oo ku sugan Magaalada Muqdisho.

Waxa uu sidoo kale hadalkiisa intaasi ku daray in Hir-Shabeelle uu soo maray heer Magaalooyinka dhexdooda in isbaarooyin la dhigto balse haatan ay jiraan dad doonaya in ficilkaas uu soo laabto.

Hadalka Madaxweynaha Hir-Shabeelle ayaa ku soo aadaya xili todobaadyadii la soo dhaafay Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka wadeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan,howlgalkaas oo Saraakiishu ay sheegeen in ay guulo ka gaareen.

HOOS KADHEGYSO CODKA MADAXWEYNE WAARE