Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay xukun ku riday laba Nin oo lagu helay inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab kana qeyb qaateen weeraro.
Cabdullaahi Cabdiraxmaan Axmed Ismaaciil oo caan kaga ahaa Alshabaab Maxamed Carab iyo Maxamed Xuseen Xasan Abuukar ayaa loo haystaa kamid ahaanshiyaha Al-Shabaab gaar ahaan in ay ka kala tirsanaayeen qaybaha Caafimaadka iyo Jabhadaha gobalka Mudug.
War kasoo baxay Maxkamadda ayaa lagu sheegay in March Sanadkan ay labada Eedeysane ka soo qabteen ciidamada xoogga dalka deegaanka Bacaadweyn oo kamid ah goobaha sida wayn ugu dagaalameen Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.
Eedeysanayaasha oo lagu soo wareejiyay hey’adaha Dambi Baarista ayaa Gungaar kadib ku soo wareejiyay xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida billowgii April, xilligaasi oo ay xeer ilaalinta codsatay in loo gudbiyo Eedeysanayaasha Xabsiga dhexe gar-suge ahaan.
Sidoo kale Maxkamadda ayaa sheegtay in Cabdullaahi Cabdiraxmaan uu Al-Shabaab kaga biiray Xudur 2016, waxaa loo diyaariyay in uu Daweeyo dhaawacyada Al-Shababa, isaga oo ka shaqeeyay Ceel Cadow iyo Galhareeri oo ka kala tirsan Galgaduud iyo Shabeellada Hoose,