Guddoomiyaha Xilligan ee Golaha Ammaanka ee QM, Ambassador Gustavo Meza-Cuadra ayaa ku baaqay in Tallaabo laga qaado Malgeliyayaasha Alshabaab ee ku sugan Caalamka, waa sida uu hadalka u dhigay.
Hadal-qoraaal oo uu soo saaray ayuu ku sheegay in loo baahan yahay in dhamaan Dowladaha Caalamka inay Somalia kala shaqeeyaan sidii loola xisaabtami lahaa dadkii ka mas’uulka ahaa Weerarkaasi, waa sida uu hadalka u dhigay.
“Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM waxay hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo in Eedeysanayaasha, Xubnaha iyo Maalgeliyayaasha ee mas’uulka ka ah dilkaasi la hor keeno Caddaaladda” ayuu yiri Guddoomiyaha Xilligan ee Golaha Ammaanka ee QM, Gustavo Meza-Cuadra,
Waxa uu intaasi ku daray inay Golaha Ammaanka QM cambaareeynayaan weerarkii Dagaalamayaasha Alshabaab dhawaan ku qaadeen Saldhigga Ciiddanka AMISOM ee Deegaanka Buulo-mareer ee Gobalka Sh/hoose, oo lagu dilay, laguna dhaawacay Tobaneeyo Askari Ugandese ah