Raysulwasaare Rooble oo la kulmay Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la yeeshay odayaasha dhaqanka ee Gobollada Waqooyi ee laf dhabarka u ah soo xulista ergooyinka dooranaya xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa kula dardaarmay in ay si hufan oo isu dheellitiran u soo xulaan ergooyinka dooranaya xildhibaannada.Kulanka waxaa ka qeyb galay xubno ka socday Guddiga Maamulka Doorashada Gobollada Waqooyi.