Dowlada Mareykanka oo kordhineysa duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay kordhisay duqeymaha ka dhanka ah dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugan Soomaaliya.

Samantha Reho oo Sarkaal Sare oo ka tirsan Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Qaaradda Afrika ayaa Wargeys kasoo baxa Mareykanka u sheegay in ay kordhiyeen Sanadkaan 2018-ka Weerarada dhanka Cirka ah ee ay  ka waddaan Soomaaliya.

Samantha Reho Waxaa uu sidoo kale xusay in ay qorsheeyeen in ay Weeraraan Goobo hor leh oo aan horay Bartilmaameed aan aheyn si loo xoojiyo dagaalka Al-Shabaab.

Waxaa uu ugu dambeyntii tilmaamay in ay ka taxadari doonaan in ay waxyeelo ay gaarto dad Shacab ah, Maadaama Al-Shabaab ay ku sugan yihiin meelo ay shacab jooggaan.

Dowladda Mareykanka ayaa waxa ay sheegtay in Weerarkii ugu dambeeyay  diyaaradaheeda aan dulliyaha laheyn ay bartilmaameedsadeen fariisin xoogaga ururka Al-shabaab ay ku leeyihiin meel ku dhow degmada Jillib ee Koonfurta Soomaaliya, halkaasina ay ku dileen xubno ka tirsan Shabaab.

Madaxwenaha dalka Mareynkanka Donal Trump ayaa todobaadkan saxiixay xaalad deg deg ah oo looga dan leeyahay in lagu kordhiyo weerarada dhanka cirka ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab, sidoo kalena lagu ciribtirayo kooxaha Burcad badeeda ee qatarta ku ah amniga marin biyoodka dalka.