Way ka sii dareysa xaaladda abaartu, haddii aan dadaallada gurmadka la dedejin lana mideyn, waxay u xuub siiban kartaa macluul keenta masiibo xoog badan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo mar kale ku celiyay in dalku ku jiro xaalad abaareed oo saameysay in ka badan 5 Milyan oo Soomaali ah.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay kulammo kala duwan la yeeshay madaxda dalal iyo hay’ado kala duwan oo uu kala hadlay sidii ay gurmad degdeg loogu fidin lahaa dadka Soomaaliyeed ee abaartu faraha ba’an ku hayso.
“Howlaha doorashada ee dalka ka socda waxay muhiim u yihiin mustaqbalka dalka, balse waa in aysan naga mashquulin in aan u gurmanno, dadkeenna abaarta, oonka iyo gaajada la il daran, sidaas ayay muhiim in culimada, bulshada rayidka iyo ganacsatadu kaalin hormuud ah ka qaataan howsha gurmadka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo tilmaamay inay xukuumaddiisa ka go’an tahay sameynta wax kastoo karaankeeda ah, si dadkeenna loo badbaadiyo.