Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee Gor-Gor ayaa howlgallo culus ka sameeyay degaano katirsan degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno katirsan Al-Shabaab.
Ciidamada oo ka baxay degmada Awdheegle ayaa howlgal kula wareegay degaanka Shaam-garre, oo hoostaga degmada Awdheegle kadib markii ay isaga baxeen Ururka Al-Shabaab oo gacanta ku haayay degaankaas.