Doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo Maanta la qabanayo

Maanta oo Arbaco ah ayaa waxaa lagu wadaa in Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Koonfur Galbeed ay degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku qabtaan doorashada 7 kamid ah kuraasta Golaha Shacabka, kuwaas oo kamid ah 13-ka kursi ee ugu dambeeya ee doorashadooda lagu qabanayo degmada Baraawe.

Guddiga ayaa shalay waxaa ay diiwaangeliyeen 26 musharrax oo isugu jira rag iyo dumar oo 13-ka ku tartami doona, waxaana 13 kurei ee la dooranayo iyo musharrixiinta ku tartami doona ay kala yihiin.

: Hop#143 oo ay ku tartami doonaan Cali Sheekh Maxamed Nuur oo kursigaan horay ugu fadhiyay & Cabduqaadir Maxamed Cabdullaahi.

2: Hop#62 oo uu hadda ku fadhiyo Xildhibaan Cali Yuusuf Cismaan, waxana ku tartamaya Aweys Maxamed Cumar iyo Abuukar Maxamed Macalin.

3: Hop#163 oo ay ku tartami doonaan Isaaq Maxamed Maxamuud oo kursigaas horay ugu fadhiyay iyo Cabdullaahi Cismaan Ibraahim Aadan.

4: Hop#045 oo uu ku fadhiyo Wasiirka Batroolka Cabdirashiid Maxamed Axmed, balse ay ku tartami doonaan Maxamuud Axmed Maxamed Baafo & Yuusuf Maxamed Cabdullaahi.

5: Hop#195 oo uu ku fadhiyo Xildhibaan Maxamed Nuuraani Bakar ayaa waxaa ku tartami doona Nuur Cali Nuur & Maxamed Xasan Maxamed.

6: Hop#162 oo uu ku fadhiyo Cali Sheekh Cabdullaahi, waxaana ku tartami doona Maxamed Cusmaan Cumar & Maxamed Dhaalib Xaaji Xasan.

7: Hop#148 oo ay hadda ku fadhido Aamina Xasan Cali, balse ay ku tartami doonaan Sacdiyo Maxamed Cabduqaadir & Alwiya Saciid Cabdullaahi.

8: Hop#251 oo ay horay ugu fadhisay Xildhibaan Munakey ayaa waxaa ku tartami doonaan Nuuralceyn Khaliif Sheekh Abbe oo & Faadumo Abuukar Sheekh.

9: Hop#187 oo uu horay ugu fadhiyay Shariif Sheekhunaa Maye ayaa waxaa ku tartami doona Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Dr Cali Saciid Fiqi & Nuur Cumar Aadan.

10: Hop#145 oo uu ku fadhiyo dhowrkii sano ee la soo dhaafay guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabduweli Ibraahim Muudeey oo meesha laga saaray, waxaana ku tartami doon Cabdullaahi Axmed Cabdi & Maxamed Cabdalla Axmed.

11: Hop#194 oo ay ku tartami doonaan Wasiirka Dhalinyarada & Cayaaraha Soomaaliya Xamsa Saciid Xamsa oo kursigaan horay ugu fadhiyay & Qasali Fiqi Abuu.

12: Hop#256 oo ay ku fadhiso Nadiifo Aadan Isaaq, balse ay ku tartami doonaan Jiijo Axmed Iikow iyo Suhur Xaaji Culusow Xasan.

13: Hop#57 oo uu ku fadhiyo Axmed Cumar Islow, waxaana ku tartami doona Muqtaar Axmed Xasan & Iidle Ibraahim Nuur.

Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa todobaadkaan soo geba-gabeeynaya doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee degaan doorashada labaad ee degmada Baraawe, waxaana la filayaa in sidoo kale Baydhabo lagu qabto doorashsda Xubnaha ka harsan kuraasta Golaha Shacabka.