Guddoomiyaha Maamulka Gobalka ugu Magacaaban Dowladda Soomaaliya Axmed Bulle Gareed ayaa sheegay in shacabka Gobolka Gedo iyo maamulkooda aysan ku qanacsaneen guddiga uu Ra’iisul Wasaare Rooble u magacaabay qiimeynta in doorashada lagu qaban karo magaalada Garbahaareey.
“Mudane Ra’iiisul Wasaare guddiga uu Cumar Dhageey madaxdu ka yahay ee aad magacaawday waxaan ognahay natiijada ay keeni doonaan mana ku qanacsanin ayuu yiri” Guddoomiyaha.
Sidoo kale wuxuu hadalkiisa uu intaasi ku daray in wixii dhib ah ee ka dhasha hadii ay yimaadaan Guddigaas degmada Garbahaareey ay qaadi doonaan dadkii soo diray.
Hadalkaan ayaa Guddoomiyaha Maamulka Gobalka ugu Magacaaban Dowladda Soomaaliya Axmed Bulle Gareed waxaa uu sheegay xilli uu Maanta Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Muqdisho