Waxaa isku day dil iyo shirqool la qorsheeyey maalintii shalay ka badbaaday mid ka mid Saraakiishii Ahlusunna Waljameeca ee sida weyn uga soo qeybqaatay dagaaladii qaraaraay oo ay kooxda Argagaxisada kula galeen Gobolada dhexe ee bartamaha Soomaaliya.

Sarkaalka lagu magacaabo Caydiid Maxamed Cali ayaa qarax lala beegsaday xilli uu saarnaa gaari nooca raaxada ah oo marayey aaga waddada Tarabuunka degmada Hodon ee gobolka Banaadir. Qaraxan, oo hore loo sii diyaariyey,ahaane kuwa waddada la dhigo waxaa ku dhintay laba ka mid ah ilaaladiisa, balse Taliye Caydiid oo la hadlay Warbaahinta Radio Galgaduud ayaa sheegay inuu ka badbaaday, qaraxaasi lala damacsanaay in lagu khaarajiyo, asaga oo ku eedeeyey in ay ka dameeyaan Kooxda naf la caariga ah ee Argagaxisada Alshabaab.

Taliye Caydiid Maxamed Cali, oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “ Innaa illaahi wa inaa illeehi raajicuun, waxaan nafteyda Qoysaska iyo asaxaabta uga tacsiyadeynayaa laba marxuun ee ku geeriyootay qarxaan musiibada, waxaan waayey saaxiibo garabkeyga iyo wehelkeyga ahaay, tan iyo shalay xaaladeyda aad ayey u murugsanayd”, Taliye Caydiid ayaa intaasi raaciyey in uu jiro beegsi lagu hayo Saraaiishii iyo Taliyaashii ka tirsanaay Maamulkii Ahlusunna, waxaana jiray qarax kale uu ka bedbaaday horaantii sanadkaan sargaal aan kawada tirsanayn maamulkii Culimada Ahlusuna inkastoo ciidamadeenaasi lagu biiriyey kuwa DFS oo la qarameeyey, hadane Argagaxisadu waxa ay si gaar ah u ugaarsanayaan saraakiishaasi.
Sargaalkaan oo horey usoo noqday taliyaha hoggaanka nabadgalyada gobolka Galgaduud ee Dowlad Goboleedka Galmudug, iyo taliyihii ciidamada amniyaad ee maamulka gobollada dhexe ee Ahlu Sunna, ayaa mudooyinkii dambe ku sugnaa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Dhanka kale, Taliye Caydiid ayaa door muuqda ka qaatay dagaalkii ka dhanka ahaa kooxda argagixisada Al-Shabaab ee bartamaha Soomaaliya, kaas oo in badan lagu jebiyey damacii iyo isku dayadii ay kooxdaasi ku doonaysay in ay ku maamulaan deegaanadaasi. Wuxuu ka mid ahaa saraakiishii ugu kartida badnaa oo ay ka go’neyd dagaalka ka dhanka ahaa kooxaha khawaarijta.
Isku dayga dilka ee lagu doonayey in lagu khaarajiyo Taliye Caydiid Maxamed Cali waxaa sheegatay in ay ka dambeysay kooxda Al-Shabaab, sida ay baahisay idaacadda ku hadasha afka kooxda argagixisada, iyaga oo sheegay in ay muddo dheer raadinayeen taliye Caydiid iyo saraakiil kale oo ka tirsanaa ciidamadii Ahlu Sunna Waljameeca ee bartamaha Soomaaliya.