Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali, oo ka qayb galaya meertada 48-aad ee Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka ku bahoobay Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa kulan-doceed la qaatay dhiggiisa Arrimaha Dibadda ee Dalka Shiinaha Mudane Wangi Yi.
Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo wax wada qabsiga ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, iyo sidii Labada dal ay isaga kaashan lahaayeen dhinacyada amniga, bini-aadannimada, horumarinta, ganacsiga, kalluumaysiga, dhaqaalaha iyo arrimaha Gobolka.