Dagaal ka dhacay Muqdisho & Afgooye

Dagaalka oo u dhaxeeyay Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo Xubno kamid ah Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka kala dhacay fariisimo Ciidamada dowladda ku leeyihiin degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose & degaanka Jasiira ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Dagaalka Koowaad ayaa waxaa uu ka dhacay fariisinka Ciidamada Millateriga Soomaaliya ku leeyihiin Xaafada Buula fuuliyo ee degmada Afgooye kadib markii ay laba jiho ka weerareen Al-Shabaab, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal ku dhawaad saacad socday.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay dagaalka, waxaana rasaasta qaar ay soo gaareysay xaafadaha degmada Afgooye.

Dhinaca kale dagaal ayaa isla xalay ka dhacay degaanka Jasiira ee duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan fariisin Ciidamada Haramcad ku leeyihiin halka mararka qaar laga soo dejiyo jaadka laga keeno dalka Kenya kadib markii ay Al-Shabaab soo weerareen.

Wax faah faahino dheeraad ah lagama helin dagaalka ka dhacay degaanka jasiira balse xaalada degaanka saaka ay tahay mid degan, isla markaana ay ku sugan yihiin Ciidamada Booliska gaarka ah ee Haramcad.