Gudoomiyaha Gollaha Shacabka oo ka tacsiyeeyey dadkii ku dhintay qarixii ka dhacay Jowhar

Ku simaha madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Shacabka Soomaaliyeed iyo maamulka Dowlad goboleedka Hirshabelle uga tacsiiyey dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii saaka ka dhacay magalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabelle.

 

Guddoomiya oo falkaasi ku tilmaamay mid fuleynimo ah ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga si looga hortago falalka guracan ee ay argagixisadu Ku dhibaateynayaan shacabka Soomaaliyeed

Ugu dambeyn Guddoomiyaha ayaa Alle ugu baryey dadkii ku dhintay Jannadii Firdowsa ka waraabiyo kuwa ku dhaawacmayna Alle si deg deg ah ugu boogdhayo.