Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan, iyaga oo ka tegay magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle.
Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha degmada Buulo-burde kusoo dhaweeyay Maamulka degmada buulo-Burde, Saraakiisha ciidamada iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan.
Ujeedada wafdiga Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle ee degmada Buulo-Burde ayaa waxaa lagu sheeay sidii uu u xoojin lahaayeen dagaalada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda waqooyi-bari Gobolka Hiiraan.
Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabelle Cabdi daahir guure Karoore Xildhibaan Xildhibaan Cabduqaadir Maxamuud Ow-bakar Dhagaweyne iyo masuuliyiin kale ayaa Madaxweyne Yuusuf Axmed Hagar ku wehliya socdaalka uu ku gaaray degmAda Buulo-burde.