Degmada Balanbale ee G/Galgaduud, ayaa lagu qabatay, Tababar aqoon kororsi ah, kaasi oo ahaa, Ka Hortaga isku dhacyada iyo Dhisida, oo ay qabaneysay Xarunta Cilmi Baarista iyo Horumarinta Aadamaha(CRHD).

Xarunta Cilmi Baarista iyo Horumarinta Aadamaha ee  loosoo gaabsho (CRHD), ayaa Degmada Balanbale ee Gobolka Galgaduud ku qabatay, Tababar aqoon kororsi ah, kaasi looga hadlayey Ka Hortaga isku dhacyada iyo Dhisida Nabada Degmada Balanbale iyo Deegaanada hoos yimaada.

Aqoon isweydaarsigaan waxaa ka qaybgalay Maamulka Degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada sida Odoyaasha dhaqanka, Culimada, Haweenka iyo Dhalinyarada.

Qabsoomida aqoon isweydaarsigaan, waxaa gacan weyn ka geystay CEWARN-IGAD, European Union iyo Waaxda Dib u Heshiisinta iyo Fadaraaleynta Wasarada Arimaha Guddaha Galmudug.

Muumin Muxyudiiin Abdulle, Madaxda Maamulka iyo Maaliyada ahna ku simaha Agaasimaha guud ee CRHD, ayaa sharaxay muhiimada aqoon isweydaarsigaan ka furmay Degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud.in uu yahay mid lagu doonayo sara uqaadida iyo adkeynta Nabada iyo wada noolaanshaha Bulshooyinka dega D/Balanbale iyo iyo Deegaanada ku xeeran iyo sidii loo badnaadin lahaa Jiilalka Mustaqbalka.

Agaasimaha Waaxda Dib u Heshiisinta iyo Fadaraaleenta Wasarada Arimaha Guddaha ee Galmudug  Mohamud Nur Hashi ayaa ka hadlay muhiimda ay u yimadeen Balanbale in ay tahay, Degmo facweyn isla markaasne, waxa kusoo laalaabta Degmada iyo Deegaanada la xariira isku dhacyada hubeysan, ka Wasaarad ahaane in ay ka go,antahay fulinta dib u hesiisiin dhab ah.

Guddomiyaha Degmada Balanbale Mudane Cabdicasiis Xashi Iraad oo furay aqoon isweydaarsigan, kaasi oo soconayey muddo laba maalin ah, waxa uu  u mahadceliyey xarunta CRHD iyo Wasarada Arimaha Guddaha ee Galmudug iyo cid waliba oo ka gacan siisay qabsoomida Kulankaan, ayaa si cad u qeexay, in Dadka ku nool Balanbale iyo in kabadan 35 tuulo ay u baahan yihiin Aqoon kororsiyada la xariira Dhisida Nabada iyo ka hortaga iyo Xalinta Qilaafaad si loo helo Bulsho wada nool oo ka shaqeysa hormarka iyo waxa anfaca ee kujirta maslaxadooda.