Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Dalka Sacuudiga si Heer sare ahne loigu sii dhaweeyey.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga halkaas oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha ayaa ka qeyb galaya shirka dalalka Carabta iyo Shiinaha kaas oo looga hadli doono iskaashiga iyo horumarka.

Dalka Shiinaha oo maanta saameyn balaaran ku leh kobaca iyo ganacsiga Dhaqaalaha Dunida, ayaa doonaya in heshiisyo badan la saxiixdo Dowlahada Khaliijka iyo Wadamada kale ee Carabta, kuwaas oo ay ka mid yihiin tamarta, amniga iyo maalgashiyo Caalami ah.

Wadamada Khaliijka Carabta ayaa  sanaduhii dambe waxa ay xoogeysanayey xiriirka ay la leeyihiin Shiinaha iyo Ruushka xilli uu si weyn uga walaacsan yahay Dalka Mareykanka.