Taliyaha CXDS General Odawaa Yuusuf oo sheegay in ay dileen 14 Dagaalame oo Alshabaab ah G/shabeelaha dhexe.

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Ciidamada degaanka ayaa howlgal qorsheeysan ku dilay 14 xubnood oo isugu jiray Horjoogayaal iyo Dagaalamayaal katirsan Al-shabaab kuwaas oo ku sugnaay degaanka Dhabaq-libeey oo hoostaga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha dhexe, sida uu Warbaahinta Qaranka u sheegay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage.

Ciidanka xoogga dalka iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ayaa magaalooyinka iyo Deegaano muhiimka ah ee yaala Gobalka Shabeellaha dhexe ayaa waxa ay kala wareegeen kooxda Alshabaab oo ka talineysay ku dhawaaw 15 sano.

Hiwlgalo lagu xaqiijinayi Amaanka Degmooyinka iyo Deegaanadaasi ayey ka wadaan Ciidama Dowlada iyo kuwa Macawisleyda, dhawaan yayey ahayd Markii Ciidamada Dowlada ay xaqiijiyeen la wareegida Degmada Facaweyn ee Aadan yabaal, dibne uu Halkaasi uu gaaray Madaxweynaha Hirshabeele Cali Guudleewe kulamo muhiim ahne waxa uu la qaatay maamulada Degmoiyinka Saraakuusha Amniga su loo adkeeyo amaanka deegaanada Al shabaab laga Qabsaday