Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ayaa maanta degmada Dhoobley gaarsiiyey labo diyaaradood oo siday gargaar iskugu jira daawo iyo raashin, si gacan looga geeysto baahida ay qabaan dadka ku nool degmadaas iyo deegaanada hoos yimaada.
Wasiiru-Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xirsi Jaamac Gaanni iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa gargaarka ku wareejiyay wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland oo uu weheliyo guddoomiyaha degmada Dhoobley, si loo gaarsiiyo dadka tabaalaysan.
Deegaanada Jubbaland ayaa mid ahay meelaha ay sida weyn usaameeyeen abaaraha wali kajira Soomaaliya taasi oo galaafatay nolosha Dad iyo Duunyo
