RW Xamse oo sheegay in Xukuumadiisu ay ka go,an tahay la Dagaalanka Muauq-maasuqa.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta ka qaybgalay, Xuska Maalinta Caalmiga ah ee La-Dagaallanka Musuq maasuqa, waxaana sii qabanqaabiyey Wasaaradda Caddaaladda iyo Dastuurka, ayaa caddeeyay in xukuumaddu ay biliaabeyso kacdoon lagula dagaalayo Musuq-maasuqa si sare loogu qaado hufnaanta Sowlada wanaaga iyo isla-xisaabtanka.

Mudane Xamse ayaa munaasabadda uga dhawaaqay in Musuq-maasuqu uu yahay cudurrada ugu xun ee ku dhaca bulshada iyo dowladnimada kaas oo sababa horumar la’aan dhaqale, inaan laga faa’iideysan khayraadla dalka, inuu hoos u dhaco dakhligii dowladda uga soo xaroon lahaa gudaha, inay hoos u dhacdo sumcadda qaranka, in bulshadu aamini weyso dowladda, in dadka aqoonta iyo kartida leh ay waayaan fursad ay ugu shaqeeyaan dowladda iyo inuu bulshada kala fogeeyo uuna abuuro dabaqado kala sarreeya

Ra’iisul Wasaaraha oo sii hadlayey ayaa sheegay in xukuumadiisa DanQaran ay ka go’an tahay la dagaalanka Musuq-maasuqa ayaa Caraabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in bulshada iyo dowladda oo wadajira ay la dagaalaan, oo dhaqan musuq naceyb ah buslada laga dhex abuuro maadaama toosinta nidaamka dowliga ah kaliya uusan ku filneyn la dagaallanka Musuqa.

Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay in Musuq-maasuq oo sii jira ay gabaad iyo usii noqonkarto in ay Kooxaha kasoo horjeeda Diwladnima Dalkeenu sida Alshabaab ay adeegsan karaan ku bixinta Dhaqaale badan hardaameynta Shacabka soomaaliyeed, ka Dowlad ahaane ay ka Go,an tahay ka hortagida Musuq maasuqa oo Cudur ku dhaca jiritaanka Bulsho iyi Dowladnimadeeda.