DHUUSAMAREEB MON 19-Dec-2022:
—————————————-
Gudoomiyaha aha Duqa Caasimadda Dhuusamareeb Mudane: Cabdiraxmaan Cali Maxamed “Geedaqorow” Ayaa magacaabay agaasime waaxeedyada maamulka dowlada hoose Caasimadda Galmudug ee Dhusamareeb
Gudoomiyaha Degmada oo latashi la sameeyay Gudoomiye kuxigeenka degmada ayaa soo magacaabay 5 Agaasime Waaxeed oo ay yeelanayaso D.Hoose ee Dhusamareeb.
Wareegtada kasoo baxday xafiiska gudoomiyaha ee lagu magacaabay agaasime waaxeedyada ayaa waxaa warbaahinta lawadaagay kusimaha gudoomiyaha ahna gudoomiye kuxigeenka Degmada mudane Abdisamad Salad Aadan”Dr Sanwayne.
Shaqo Gudasho wacan ayaan u rajeynaynaa masuuliyiinta loo igmaday inay u shaqeeyaan bulshada Dhuusamareeb.
