Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu balan sanaa in uu furmo kulanka Golaha Shacabka oo ajandihiisu uu ahaa hadal jeedinta Gudoomiyihii is casilay ee Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari balse uu u baaqday khilaafka dhashay kulankaaas.
Kulanka ayaa ahaa mid la isku khilaafsan yahay kadib markii xalay Xildhibaannada Golaha Shacabka look ala diray farriimo iska soo horjeeda basle ugu dambeyn haatan la sheegay in xal buuxa laga gaaray qabsoomida kulankaas
Masuuliyiinta Madaxtooyada Soomaaliya dadaal ay sameeyeen ayaa la sheegay in xal looga gaaro murankii ka taagnaa kulanka hadal jeedinta Guddoomiyihii is casilay ee Golaha Shacabka,iyada oo kualnkaas uu dhici doono Khamiista Berito ah.
Arrimaha ugu weyn ee dhaliyey khilaafka,isla markaana uu dooda ka keenay muudeey ayaa aheyd shir guddoonka Kulanka,waxana Maalinta Berito ah Maxamed sheikh Cusmaan Jawaari uu soo gaba gabeyn doonaa mudo 5 Sano ah uu Baarlamaanka Soomaaliya Maamulayay laga soo bilaabo Sanadkii 2012-kii,iyada oo laba jeer loo doortay guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.