Maxkamadda ciidmaada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa ka soo jawaabtay Dhaliilo iyo eedeymo aad culus oo hadal heyn badan ka dhex abuurtay baraha Bulshada maalmahii na weydaartay, kadib markii lagu eedeeyey in Maxkamadu dil ku xukumay dad aan geysan dambiyada loo heysto.
Guddoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad Korneyl Xasan Cali Nuur Shuute oo Warbaahinta la hadlay ayaa si faahfaahsan u sharaxay laba kiis oo maxkamadda la hor geeyey maalmihii lasoo dhaafay.
Labadaan kiis ayaa kala ah, nin eedeysane ah, kaasi oo lagu xakumay dil ka dib markii xeer ilaalinta maxkamadu  ku heleen dambiga ah inuu garoonka Diyaaradaha Aadn Cadde u fududeeyey inay gudaha u galaan laba dagaalame oo ka tirsanaay Alshabaab ay weerar toos ah ka fulisay afaafka hore ee garoonka.
Ninka kale ee kiiskiisa uu ahaa midka ugu hadal heynta badnaa ayaa Korneyl Shuute uu ka jawaabay, kaasi oo ahaa, nin kale oo dil lagu xukumay, isla markaasne cidda uu ka dhashay ninka horay u dhintay ay dood ka keentay.
Reerka uu ka dhashay nin lagu dilay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Ceelasha-biyaha ayaa dood ka keenay xukunka nin ka mid ahaa 8-qof oo 6 ka mid ah maalmo ka hor ay maxkamaddu ku xukuntay inay Shabaab ka tirsanaayeen.
Reerka ayaa ku dooday in shaqsiga la xukumay uusan dilin wiilkooda, iyagoo ku dooday in askari ka tirsan ciidanka ilaalada wadooyinka ee Taraafikada uu dilay wiilkooda, cadeymana ay u hayaan eedeyntooda.
Guddoomiye Shuute ayaa sharaxaad dhameystiran ka bixiyey labadaan kiis, isagoo mid mid u dul istaagay waxyaabaha la isku hayo iyo sida dhabta ah ee wax u jiraan, Korneyl Shuute Shirkiisa Jaraa’id ayaa soconayey muddo 21 daqiiqa ah si uu shabacka soomaaliyeed uga qanciyo eedeynta Maxkamada Ciidamada Qalabka sida loo soo jeediyey.