magaaladda Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug waxa ka furmay Dood cilmiyeed ku aadan, Xal u helidda colaadaha soo noqnoqda ee deegaanada Galmudug, oo ay soo qaban qaabisay hay,ada CRHD.
Diid Cilmiyeedkaan waxa kasoo qeyb galay Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Maamulka Galmudug, Qeybaha Bulshada Caasimada sida Odayaasha Dhaqanka, Haween, Dhalinyaro, Culima-owdiin, Aqoonyahano.
Dood Cilmiyeedkaan ayaa si weyn loogu lafa guray waxyaabaha soo celceliya isku dhacyada hubeysan iyo sida xal loogu heli karo, doorka ay ku leeyihiin xal u helida Colaadaha hubeysa, Dowlada heer Federal iyo Maamul Galmudug iyo heer Degmo.
Hay,ada CRHD ayaa inta badan Doodo iyo Aqoon isweydaarsi kusaabsan ka hortagida Colaadaha iyo isku dhacyada Hubeysan iyo adkeynta Xailoonida iyo Nabada waxa ay ku qabatay Deegno iyo Degmooyin ka tirsan Galmudug.
