Shirka wadatashiga Dowlada FS iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada oo Muqdisho ka furmay.

Shirka 4aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa goordhow ka furmay Madaxtooyada, oo ay ka qeyb galayaan Madaxda dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Shirka oo uu guddoominayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda FS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ka qeyb galaya Ra’iisulwasaaraha XFS mudane Xamse Cabdi Barre, Madaxweynayaasha dowladaha xubnaha ka ah Federaalka sida Galmudug, Hirshabeelle, Jubbaland, Konfur-galbeed, Puntland iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Maalinta koowaad ee shirka ayaa ah hordhac iyo is xog wareysi ay sameynayaan madaxda ka qeyb gakeysa fadhigga, iyadoo beri la filayo iney dhinacyada guda galaan qodobasa ugu xasaasisan.

Ajandaha shirkan oo horay loo sii shaaciyay ayaa ka mid ah dhameystirka dhismaha Garsoor Federaal Madax Bannaaneyn Hufnaan leh, qeexida awooddaha heerarka kala duwan iyo Dhameystirka nidaamka Federaaleynta oo ay ka mid tahay maqaamka Caasimadda Muqdisho, nidaamka qeybinta tirada xubnaha Aqalka Sare oo qorshuhu yahay in dib u eegis lagu sameeyo.