Wararka aan ka heleyno magaalada Miqdisho ayaa tibaaxaya in galabta diyaaradda Ethiopian airways ay shil ay ku gashay gudaha garoonka diyaaradaha Adan Cadde.
Xogta ayaa intaasi kusii daraya in Shilkan uu yimid kadib markii mid ka mid ah garbaha diyaarada uu waxyeello soo gaaray xilli ay dooneysay in ay ka duusho Garoonka.
Warar kale waxey sheegayaan in mid kmaid ah garbaha diyaarada ay gashay shimbir, taasoo dhalisay shilkan.Saraakiil ka tirsan garoonka Aadan Cadde ayaa sxaqiijiyey in shaqaalaha iyo rakaabkii saarnaa diyaarada ay badqabaan, inkastoo la arkayay sawiro laga soo qaaday diyaarada oo muujinaya inuu shilka uu kazoo gaaray baalasha diyaarada
Rakaabkii duulimaadka ku qornaa ayaa caawa baaqday, waxaana logu wargaliyey in beri ay safri doonaan, waxaana socdo dib u dayactirida diyaarada, Dhanka kale Maamulka diyaaradda ee Ethiopian Airlines waxay xaqiijinayaan ineysan jirin wax gubasho ah oo diyaaraddu galabta kala kulantay shilkii garoonka Garoonka Aadan cade Muqdisho.