Madaxweyne Muuse Buuxi oo ka hadlay Xaalada Magaalada Laascaano ee G/Sool.

Madaxweynaha Somalialnd, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shirguddoomiyey shir ballaadhan oo ay maanta qasriga madaxtooyada ku yeesheen madaxda maamulka ugu sarraysa oo ay kamid yihiin guddoomiyaha golaha Guurtida, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ku-xigeenkiisa, Mudane Siciid Jaamac Cali, guddoomiye-ku-xigeenka golaha wakiillada, ahna ku simaha gudoomiyaha Wakiilada, Mudane Siciid Mire Faarax (Giirre), xubno kamid ah golaha wasiirrada, waxgarad, xildhibaanno, haldoor iyo siyaasiyiin kale, waxana kulanka diiradda lagu saaray sidii talo midaysan looga yeelan lahaa arrinta Laascaanood, loona soo afmeeri lahaa tabashada shacabka.

Markii kulankaasi soo dhammaaday waxa bulshada la hadlay madaweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo guddoomiyaha golaha guurtida Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, waxana ay si waafi ah uga hadleen dhibka ka taagan Laascaanood, qorshaha qaran ahaan arrintaas lagu wajahi karo iyo sidii xididdada loogu siibi lahaa tabasho kasta oo dhib keenaysa, iyaga oo mar kale si wada-jir ah tacsi ugu diray ehellada dadkii dhibaatadu kasoo gaadhay Laascaanood.