Madaxweynaha Mareykanka Jose Biden ayaa toddobaadkan ku dhawaaqay in Maraykanku uu Ukraine siin doono Gawaarida dagaalka ee Bradley, si Dowlada Ukrine ay u adeegsato dagaalka ay kula jirto Ruushka, tallaabadaas oo ay khubaradu sheegeen in ay wax weyn ka tari doonto Dagaalka .
Bradley waa hub oo xoog badan oo awood u leh inay burburiso taangiyada cadowga. Waxa kale oo loo isticmaali karaa in lagula socdo goobaha dagaalka iyo in si degdeg ah loo dhaqaajiyo tiro yar oo ka mid ah ciidamada lugta, iyagoo bedqaba.
Hubkan Bradleys ayaa wuxuu qeyb ka yahay xirmo gargaar oo weyn oo dhan $2.85 bilyan oo Mareykanku uu u ballan qaaday Ukraine.
Ku dhawaaqista ayaa soo baxday isla maalita hoggaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz uu sheegay in dalkiisu uu siin doono gaadiidka dagaalka ee Marder, oo la mid ah Bradleys, iyo nidaamka difaaca hawada ee Patriot.
Maalin kahorna, Faransiiska ayaa ku Carabaabay inuu bixin doono baabuurta gaashaaman ee dagaalka ee AMX-10 RC.