Wararka naga soo garaya gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in hal qof uu ku geeriyooday 4 kalana ay ku dhawacmeen ka dib labo qarax oo ka dhacay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.
Goobjoogayaal ku sugan Jalalaqsi oo ay xariir la sameysay warbaahinta Galgaduud, ayaa ka soo xiganay in qaraxa hore uu ka dhacay bar kontarol oo ku taal afaafka hore ee buundada Jalalaqsi, halka midka kale na uu ka dhacay banaanka magaalada kadib markii ay Ciidanka ammaanku rasaayeen,
19 October, ee sanadkii tagey ee 2022 ayey eheed markii weerar qarax ku bilaawday uu ka dhacay degmada Jalalaqsi,
Qaraxaasi waxaa ku geeriyooday dad uu ka mid ahaay guddoomiyihii hore ee Degmadaasi maxamed Nuur cagajoof Dabaashe.
