Shirka 7aad ee Suufiyada oo ka furmay Muqdisho+Sawirro

Magaalada Muqdisho maanta waxaa si rasmi ah uga furmay shir Caalami ah oo ay leeyihiin culimada Suufiyada kaas oo muddo labo maalmood ah ka socon doona Magaalada Muqdisho.

Shirkan waxaa soo qaban qaabisay Jaamacadda Imaamu Shaafici ee Magaalada Muqdisho,waxaana ka qeybgalay mas’uuliyiin ka mid ah dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Culimada ka qeybgashay shirkan waxaa ay ka kala socdaan Waddamada kala ah; Turkey, Ciraaq, Masar, Aljeeriya, Marooko, British, Sudan, Jabuuti, Jordan iyo Senegal.

Dhinaca Dowladda Soomaaliya waxaa uga qeybgalay Wasiiru dowlaha Madaxtooyada ahna aas aasaha Jaamacadda Imaamu Shaafici C/Qaadir Macallin Nuur,Xeer ilaaliyaha Qaranka Amxed Cali Daahir iuo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka ah.

Image may contain: 8 people, crowd

Image may contain: 6 people, people sitting and crowd

Image may contain: one or more people and people standing

Image may contain: 1 person, standing