Banaanbaxyo  waaweyn oo looga soo horjeedo Falalkii Guracan ee lagu gubay nuqulo kamid ah Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah taasi oo kooxo Xagjir ah ku gubeen afaafka hore ee safaarada Turkiga uu ku leeyahay Caasimada Dalka Sweden ayaa waxay ka dhaceen qaar ka mid ah magaallooyinka waa weyn ee dalalka Islaamka.
Dibadbaxyaal fara badan ayaa isugu soo baxay magaallooyinka ku yaalla dalalka Iraq, Yemen, Afganistan, Falastiin iyo kuwo kale.
Boqolaal rag u dhashay dalka Afganistan waxay Dibadbax ka dhigeen Fagaaraha weyn ee magaalladda Khost oo ku yaalla Bariga dalkaasi, una dhow xuduudka dalka Pakistan
Dibadbaxyaasha reer Afghanistan waxay wateen Nuqulo Kitaabka Qur’aanka Kariimka, waxayna gubeen Calanka dalka Sweden.
Dibadbaxyaasha waxay ku dhawaaqayeen Hadalo ka dhan Dowladda Sweden iyo Xag-jirka
Rasmus Paludan.
Dhanka kale, inta badan Dowladaha Islaamka waxay cambaareeyeen falalka lagu gubay Nuqulo Kitaabka Qur’aanka Kariimka.
Dowladaha Somalia, Turkiye, Sudan, Masar, Iraq, Imaaraadka, Falastiin, Sacuudiga, Kuwait iyo kuwo kale waxay si kulul u cambaareeyeen falalka guracan ee lagu gubay Nuqulo Kitaabka Qur’aanka Kariimka.