Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ka tacsiyeeyay geeridii naxtinta lahayd ee ku timid Alle ha u Naxariistee Nabadoon Cabdiraxmaan Jimcaale Agoon oo xalay Kooxo hubeysnaa ay ku dileen Magaalada Jowhar.
Madaxweynaha ayaa tilamaamay in Allaha u Naxariistee Nabaddoon Cabdiraxmaan uu door weyn ku lahaa dhisida iyo Maamul u sameyntii Hirshabeelle kana soo shaqeeyay nabad ku wada noolaanshaha Bulshada iyo Midnimada Ummadda soomaaliyeed.
Madaxweyne Guudlaawe Xuseen ayaa Marxuumka Alle uga baryay in hoygiisa uu ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskii qaraabadii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.
Dhanka kale Magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Ciidamada ammaanka ay wadaan howlgallo kala duwan oo ay ku baadi goobayaan dadkii hubeysnaa ee ka dambeeyay dilka Nabaddoonka.