Wasaarada Waxbarashada Galmudug oo shaacisay in ay qaban doono Tartan aqooneedka Dugsida Sare ee Galmudug.

Shaacinta Dugsiyada ka qeyb galaya tartan Cilmiyeedka Cugsiyada Sare ee GalmudugĀ  (Aqoonkaab).

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare Ee Galmudug iyada oo ka duulaysa horumarinta waxbarshada Galmudug waxay bilaabaysaa tartan Cilmiyeed Sannadlle ah oo loo qabandoono ardayda dugsiyada Sare dhigata.

Tantankaan oo loogu magac daray AQOONKAAB waxa uu noqon doonaa tartan furan kuna salaysan dugsiyadda Sare, waxayna kasoo tartami doonaan goobahooda waxbarashada, waxayna uga qayb galidoonaan tartanka qadka teleefoonka halka daneeyaasha kale ay kala socondoonaan si toos ah Bogga Wasaaradda waxbarashada Galmudug iyo idaacadaha gudaha ah.

Tartankaan wuxuu socodoonaa muddo hal bil ah, isaga oo bilaaban doona isbuuca ina soo aadan haduu alle idmo.

Ujeedada tartankaan waxa ay wasaaraddu uga gol-leedahay dhowr arimood oo ah:

1- In la qiimeeyo dhaqangalka iyo dhamaystirka Manhajka Qaranka.
2- In la abuuro jawi is barasho iyo is dhexgal ah ee Ardayda Dugsiyada Galmudug.
3- In kor loo qaado fahamka Ardayda iyo joogtaynta aqriska Cashiradda.
4- In ardayda fasalka 12-aad ay u fududaato diyaarinta imtixaanka Shahaadiga ah ee Dalka.

_____ Dhamaad ______