Ciidanka Booliiska oo toogtay in la sheegay inuu ka tirsanaay Alshabaab.

Ciidanka Booliska saldhigga degaanka Garasbaaley ayaa saakay toogtay Dagaalame ka tirsanaa Al-Shabaab kaasi oo doonayay inuu dilo askari ka tirsan ciidanka dowladda

Ninkaan ayaa qorsheynayay in uu dilo askari ka tirsan ciidanka aruuriya canshuuraha ayaa ciidamada amnigu ku dileen ,isgoyska xaafadda Tabeelaha Sheekh Ibraahim sida uu warbaahinta qaranka u xaqiijiyey taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir.

Ciidamada dowladda ayaa maalmahan muqdisho ka waday howlgallo lagula dagaalamayo khawaarijta bulshada ku dhax dhuumaneyso si dhagartooda shacabka looga bad-baadiyo.