Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho aan la sii shaacin ku joogo Dalka isutaga Imaaradka Carabta.

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho aan la sii shaacin ku jooga ee Abu Dhabi Caasimadda Dalka Imaaraadka ayaa la kulmay dhigiisa dalkaasi,  Sheikh Mohamed Bin Zayed Al Nahyaan.

Labada Masuul waxay ka wada hadleen Xiriirka labada Waddan, Horumarinta dhinacyada kala duwan ee Iskaashiga Khaaska,  Dadaalka Dhaqaalaha, Nabadda iyo Deganaanshaha Dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Al Nahyan waxa uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku qaabilay Carwada iyo Shirweynaha Difaaca Caalamiga ee INDEX2022 oo haatan ka socota Xarunta Abu Dhabi ee Bandhigyada. Mudane Sheikh Mohamed Bin Zayed Al Nahyaan waxa uu ballan qaaday in ay Somalia ka taageeri doonaan wax kasta oo ay dani ugu jirto Shacabka Soomaaliyeed si ay u gaaraan Hankooda ku aadan Nabadda, Horumarka iyo Barwaaqada.

Madaxweyne Xasan Sheekh inta uu booqashada ku jooyo Dalka Imaaraadka Carabta waxa uu ka qeyb geli doonaa Daawashada Carwada Caalamiga ee Milliteriga ee INDEX and NAVDEX 2023 oo maalintii Saddexaad ka socota Xarunta  Abu Dhabi National Exhibition Centre ee magaalladda Abu Dhabi.

Bandhiga Carwada Milliteri ee INDEX  and NAVDEX 2023, waxaa  ka qeyb galaya 1,112 Shirkadood oo ka kala socda 59 Dowladood, in ka badan 77 Wasiirada Difaaca,  79 Khubaro Milliteri, Taliyayaal iyo Wafuud Milliteri oo ka kala socda 82 Waddan iyo in ka badan 140 Shirkado oo ka dhisan Imaaraadka.