Ciidanka Booliiska Muqdisho oo sheegay in ay gacanta u dhigeen rag ka tirsan Alpshabaab kuwaasi oo ka shaqeynayey falal amni daro ah.

Ciidanka Boliiska Saldhigga Degmada Deyniile oo ku jira howgal ayaa caawa gacanta ku soo dhigay seddax nin oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, kuwaas oo ku howlanaa falal amni darro oo ay u maleegayeen dadka shacabka ah.

taliska qebta guud ee booliska gobolka Banaadir ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay sidan “Ciidanka ayaa raggaan soo qabtay iyaga iyo moota Bajaaj ay wateen, sidoo kale dhagarqabayaashaan ayaa watay Qori RBG ah, waxayna haatan ku jiraan gacanta ciidanka amniga, ayaga oo Cadaalada la horgeyn doono”.