Laba askari oo hrey dil u geystay oo Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ku fulisay Dil toogasho ah.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, ayaa aroornimadii hore ee saakay xukun dil toogasho ah ku fulisay askar katirsan dowladda oo horay  loogu xukumay dila toogasho ah

Cabdi Shakuur Axmed Maxamuud waxa uu hore u Dilay Xasan Maxamed Shire oo ay Boliiska kawada tirsanaayeen.

Cabdi Jamaal Cabdullaahi Xayle oo isna Boliiska ahaa  waxa uu Dilay Cabdi Xakiim Maxamuud Khaliif oo uu dhacayay.

saaka ayaa laga wada Oofiyay xadkii Qasaasta ah ee lagu xukumay Cabdi Shakuur iyo Cabdi Jamaal

Maxkamadda ciidamada ayaa dhawaan sidaan oo kale xukun dilal ah ugu fulisay asakar dilal u geeystay dhalinyarada ku shaqeysata Moota Bajaajta,kuwaa oo siyaaba kala duwan loogu dilay muqdisho gobolada dalka qaar.