Laba Dhalinyaro ah oo iskusoo dhiibay Ciidamada Dowlada iyo kuwa Galmudug.

Labo xubnood oo ka tirsan khawaarijta ayaa isu soo dhiibay ciidmada Daraawiishta Galmudug ee ku sugan magaalada Bacadweyne ee koonfurta gobolka Mudug.

Labada xubnood ayaa kala ah Bishaar Shardi Maxamed oo afgarashadiisu tahay Xasey iyo Yuusuf Suleymaan Abuukar Jiirow
oo afgarashadiisu tahay Salaaxudiin.

Dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab tan iyo markii dowlada Soomaaliya ay bilowday bartamihii sanadkii hore ee 2022, waxaa isoo soo dhiibayey Dhalinyarada ka tirsan Alshabaab.

Dowlada Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada Dalka waxa laga hirgaliyey Xarumo lagu Dhaqanliyo isa soo dhiibayaasha Kooxaan,, kuwaasi oo hela nolol wanaagsan, Waxbarasho, Caafimaad iyo Xoriyad ay kula xariiraan Qoysaskooda iyo Eheladooda.