Wasaaradda Amniga Gudaha Maamulka Jubbaland ayaa soo saartay digniin la xiriirta in weeraro iyo qaraxyo ismiidaamin ah Kooxda Alshabaab ka geysan doonaan Goobaha Dadka rayadka ay ku badan yihiin.
Qoraal kooban ee ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in kooxda Al-shabaab ay doonayaan bishan Ramadaan iney weeraro ka fuliso goobahaa ay bulshadu ku badan tahay.
Alshabaab ayaa kor u qaada weerarada ay geystaan bisha barakeysan ee Ramadan oo ah Bil Cibaado, kooxda ayaa beegsata goobaha ay dadku isugu yimaadaan waxaa qeybaha ciidamada la farayaa iney ka feejinaadaan isla markana ka hortagaan dhagarta kooxda khawaariijta ah si bulshada ay u hesho xasilooni Amni” ayaa lagu tiri yiri qoraalka Wasaarada.
Sidoo kale, Wasaarada ayaa soo dhoweysay Howlgalada Qorsheysan ee dalka lagaga ciribtirayo Al-shabaab “Dhamaan laamaha amniga jubbaland, ciidanka xooga dalka somaaliyeed, iyo Saxibada howlgalka ATMIS waxaan ku dhiiri galinayaa Howlgalada Qorsheysan ee dalka lagaga ciribtirayo kooxda khawaariijta ah ee banestay Daadinta dhiiga shacabka Somaaliyeed” ayaa lagu soo geagebeeyey qoraalka Wasaarada.