Ciidamada Dowladda iyo kuwa Deeganka oo kooxda Al shabaab Kala wareegay Deegaanohoos yimaada D/Buulaburde ee Gobolka Hiiraan.

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa maanta howlgallo ay ka dhan ah kooxda AlShabaab, kawada deegaano dhaca galbeedka Magaalada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

Masuuliyiin iyo saraakiil ciidanka hoggaaminaya ayaa sheegay in maanta howlglku ka dhacay deegaano dhaca Galbeedka Demada Buuloburde, waxa ayna ciidankan gaareen goobo ay Al Shabaab kaga suganaayeen halkaasi.

Ciidanka ayaa gaaray deegaanada kala Dhagaxyaale , Kiligubadle, Xarar iyo Boocaale oo Al Shabaab isaga baxeen kahor inta aysan ciidanku soo gaarin, waxayna ciidanku burburiyeen fariisimo iyo godad ay Al Shabaab ka qoteen deegaanadaas.

Howlgalkan ay ciidamada bilaabeen, ayaa kusoo aadaya xilli la filayo dhawaan in howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Al Shabaab ka bilowdo gobolada Dhaxe ee dalka , waxaana howlgalkaasi sida horeyba loo sii shaaciyey ka qeyb qaadanaya ciidamo Itoobiyaan ah.