Gudomiyaha Dagmada Matabaan Bashir Abdirahman sheekeye oo Caawa shir jaraa’id ku qabtay gudaha dagmada Matabaan ayaa soodhaweyay in wasarada Maaliyada ay la wareegtay canshuurtii Maaliyaded ee gobolka Hiiraan oo lagu qadi jiray Baladweyne.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay u diyarsanyihiin in ay wasaaradda ay kala shaqeeyaan sidii ay oga shaqo bilaabi laheed dhamaan xaduudaha canshuured ee dowlada hirshabele oo hoos imaada dagmada Matabaan.
Gudomiyaha oo sii watay shirkiisa jaraa’id ayaa dhinaca kale ka hadlay in Maaliyada oo la mideeyo in ay keento in mamulku uu u adeegi karo bulshada oo shacabka wax ku soo kordhiyo oo magac uusan ku dhex heynin.
Sido kale waxa uu ka hadlay gudoomiyaha in canshuurti laga qaadi jiray gobolka ay dhowr jeer ka wada hadleen mamulka gobolka ayna suragali waysay in la isku qanciyo oo la wadaago.
Gudomiyaha ayaa carabaabay in ay mar walba ilaalinayeen dowladnimada iyo kala saraynta maamulka oo aysan jirin wax-maliyad ah ama canshuur ah oo mamulka dagmada mataban uu ka qaado gadiidka mara dagmada asago shegay in ay mar uun sugayeen in xal guud oo Maaliyaded oo mideysan la helo.
Gudomiyaha ayaa dhanka kale cadeeyey in dhowr jeer oo kala duwan ay kala faristen madaxda sare ee dowlada Hirshabelle, Madaxweynaha, madaxweyne kuxigenka iyo wasiirka arimaha gudaha si xal loogu helo nidamka Maaliyaded.
Gudomiyaha ayaa muujiyay sida ay howlgalka gobolka u garab taagnayen inta uu socday isaga oo shegayay in ay naf iyo maalna la garab taagan yihiin dhamestirka iyo xoreynta kooxda khawarijta ah ee ku harsan gobolka Hiraan
Ugu danbeyn gudomiye Bashiir Sheekeeye  ayaa Tilmaamay, in hadii nidamka Wasarada Maaliyada ay la waregtay uu shaqeyn waayo oo la caqabadeeyo ay go’an qadanayaan mamulka dagmada Matabaan maadama waqti badan ay sugayeen nidam mideysan oo maaliyaded
Wabilahi towfiiq
Mahadsanidin