Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta qaabbilay Danjiraha Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Larry Andre.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga, la-dagaallanka Alshabaab, horumarinta dhaqaalaha, deyn-cafinta iyo xoojinta taageerada dhinacyada badan ee dowladda Mareykanku ay siiso Soomaaliya.
Dowlada Mareykan ayaa ka mid Saaxiibada Beesha Caalamka oo Dowlada Soomaaliya ka caawiya sida ay dib usoo kabsan lahayd, taasi uu mareykan ku bixiyo dhaqaalo aad badan.
Dowlada soomaaliya ayaa haatan waxa ay dadaal badan ugu jirtaa sidi ay u heli lahayd Taageero Maaliyadeed, iyo Saanad ciidan si ay DFS guul uga gaariu lahayd Dagaal ka dhanka kooxda Alshabaab, oo ay sheegtay in uu bilowday wijigii labaad ee howl galada.
