Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Galmudug oo shaacisay waqtiga ay qaadi doonto Imtixaanka Dugsiga dhexe Galmudug.

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Galmudug waxay Sanadkii 5aad qaadi doontaa Imtixaan mideysan oo fasalka 8aad ah si loo tayeeyo loona mideeyo waxbarashada Dhammaan Dugsiyada Galmudug.

Sidaas daraadeed waxaa lafarayaa Dhammaan Dugsiyada in ay u diyaar garoobaan ardeydana lagu wargaliyo in imtixaankaas si isku mid ah loogu fariisan doono dhammaan Dugsiyada Galmudug anagoo shaacindoona xarumaha lagu galidoono imtixaanka.

Imtixaanka Fasalka 8aad ee Dowladda Galmudug waxa uu bilaaban doonaa
20/05/2023 waxa uuna dhammaan doonaa 23/05/2023.
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Galmudug waxay faraysaa dhamaan shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada ee ku sugan degmooyinka in ay gaarsiiyaan fariinta Dugsi kasta iyo ardayda ay qusayso warqadaan si loo bilaabo hanaanka u diyaargarowga imtixaanka.