Dagaalka Suudaan:
Xabbad-joojintii Maalmaha Ciidda ee Suudaan oo sidii larabay aan uga dhaqan.
Internet go’an ayaa laga soo sheegayaa dalka oo dhan.
Wararkii ugu dambeeyey Dagaalka Dalka Sudan ayaa maanta oo Axad ah weli ka sii socdo dalkaasi kaasi oo u dhaxeeya ciidamada qalabka sida ee Suudaan (SAF) ee uu Hugaamiyo General Gen. Abdel-Fattah Burhan iyo xoogaga taageerada degdegga ah, ee uu hoggaamiyo Gen. Mohammed Hamdan Dagalo inkastoo labada dhinac ay ku dhawaaqeen xabbad joojin 72 saacadood ah.
Faransiiska ayaa sheegay inay bilaabeen inay muwaadiniintooda iyo shaqaalahooda ka daad gureeyaan dalka Sudan, halkaasoo uu kasocdo dagaalka u dhaxeeya xoogaga iska soo horjeeda, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda dalkaasi.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Sabtidii sheegay in Washington ay joojineyso howlihii safaaradeeda Sudan, iyadoo militariga Mareykanka ay Khartoum ka daad gureeyeen shaqaalaha dowladda Mareykanka.
Sidoo kale Faransiiska, Talyaaniga, Nederland, Giriiga iyo dalal kale oo Yurub ayaa aad u qorsheynayaa sidii ay uga soo daad gureysan lahayeen Muwaadiintooda iyo Shaqaalihii uga sugnaay oo xayirmay dagaalka Suudaan.
Dagaalka u dhexeeya ciidamada qalabka sida ee Suudaan iyo kooxda awoodda badan ee ee loo yaqaan ‘xoogaga taageerada degdegga, ayaa curyaamiyay guud ahaan Adeegyadii dadweynaha sida garoonka caalamiga ah ee ugu weyn dalkaas, Adeegyadii Caafimaad, Korontada, Waxbarashada, Internet iyo Kaabayaashii kale ee Dhaqaalaha.
In ka badan 400 oo qof ayaa ku dhintay in ka badan 3,500 oo kalena waa ay ku dhaawacmeen tan iyo markii uu dagaalka billowday.