SAWIRO: Munaasabad kooban oo lagu qabtay Bader2 ee D/Guriceel isla markaasina ay soo qaban qaabiyeen Maamulka iyo Shaqaalaha Warbaahinta Galgaduud, yasi oo ahayd mid ay ugu hambalyeynayeen sidoo kalane ay ku sagootinayeen madaxii shaqada iyo shaqaalaha Idaacada Mudane C/mahad Guure (Faataxo) oo 4 april loo magacaabay Agaasimaha Xaafiiska Warfaafinta Maamulka Caasimada Dhuusamareeb ee Galmudug.
Munaasabada waxaa kasoo qeyb galay Xog-hayaha Maamulka D/Guriceel Bashiir Maxed Salaad Sanka, Maamulka iyo Shaqaalaha Warbaahinta Galgaduud ee ka howlgala Xarunteeda Guriceel, dhalinyaro Aqoonyahano ah, qaar ka mid ah Maamulayaal iyo Birayaal Jaamacadeed iyo wariyaal ay kamid yihin Maxed Cali Faracade iyo C/laahi Daahir Siyaad (Dhakoos) oo howlo shaqao ujoogay Gobolka.
