Madaxweynaha dowladda Kenya oo sheegay in la joogo waqtigii lasoo afjari lahaa kooxda Al Shabaab.

Madaxweynaha dowladda Kenya William Ruto ayaa shaaciyay in xilligan la joogo waqtigii lasoo afjari lahaa kooxda Al Shabaab ee ku xoogan Soomaaliya, waxa uuna ku tilmaamay kooxdaasi in ay yihiin argagaxiso qatar ku ah nabad gelyada Geeska Afrika.

Ruto ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliya oo garab ka helaya ciidamada nabad ilaalinta ee ATMIS ay dagaal kula jiraan kooxda Al Shabaab, waxa uuna boggaadiyay dedaalada la doonayo in lagu soo afjaro jiritaanka kooxda Al Shabaab.

Waxa uu sheegay madaxweyne Ruto in ay taageerayaan in Soomaaliya noqoto dal xasilloon oo horumarsan, waxa uuna sheegay in gacan ka geesanayaan sidii meesha looga saari lahaa qatarta kooxda Al Shabaab uu tilmaamay in ay horseed u yihiin xasillooni darada jirta

Madaxweynaha Kenya waxa uu ku booriyay madaxda DF iyo kuwadowlad goboleedyada in ay xoojiyaan wadashaqeynta, iyada oo loo marayo waqtiga iyo wax ku oolka ah si meesha looga saaro khatarta argagixisada xudduudaha isaga gudba.