Maamulka Gobolka Banadir oo mamnuucay ka ganacsiga iyo isticmaalka Maandooriyaha.

 Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa mabnuucay isticmaalka iyo ka ganacsiga Shiishada, Taabuuga, Qamriga, Calaqa iyo Xashiishka.

Amarkan ayaa duqa Muqdisho ka sheegay kulan uu xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar kula qaatay ganacsatadii laheyd xarumihii dhawaan uu xiray mamulka gobolka Banaadir, waxaana kulankan goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh).

Amarkan ayaa adkaynaya howlgal ballaaran oo todobaadkan maamulka gobolka Banaadir uu ku qaaday goobaha lagu isticmaalo waxyaabaha maanka dooriya ama lagu sameeyo, si loo ilaaliyo bad-qabka bulshada.