Dhageyso:>Madaxweyne Waare Oo Sheegay in bisha ramadaan Kahor ay Al-shabaab kaxoreyn Donaan Degaanada Hirshabeele

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare oo maalmahaan ku sugan Magalada Baladweyne aya sheegay in uu dhamaaday Wajiga koowaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in dhawaan uu bilaaban doono wajiga labaad,kaas oo lagu xureyn doono deegaannada ka maqan Gacanta Maamulka Hir-Shabeelle,isla markana ay Gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu sheegay in howlgalkii ugu dambeeyey guulo waaweyn laga gaaray,sidoo kale ay siwadajir ah u fuliyeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Madaxweyne Waare ayaa soo hadal qaaday dhibaatooyinka waqtigaan heesta Dhalinyarada ku nool deegaannada Maamulka Hir-Shabeelle.

Hoos Ka Dhageyso Codka waare