Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Mudane Ali dahir Eid oo maanta Booqday Xarunta Wasaarada Waxbarashada DGG ee Magaalada Dhusamareeb.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Mudane Ali dahir Eid ayaan manta Booqday Wasaarada Waxbarashada Dowlad Goboleedka Galmudug ee Magaalada Dhusamareeb.

Madaxweynaha waxaa Wasaarada Waxbarashada Galmudug ku soo dhaweyay Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Galmudug Mudane Maxames Xaashi Dhoore iyo Agaasimaha Waaxda Imtixanaadka iyo waxda Maaliyada.

Madaxweynaha ayaa soo kormeeray Waxda Imtixaanadka ee Wasaarada oo hada ku jirta u diyaar garowga Imtixaanka Dugsiyada Hoose dhexe ee Galmudug oo ay sanadkan u fadhisan doonan in ka badan Shan Kun oo arday guud ahaan Galmudug.

Dhanka kale Madaxweynaha waxaa uu kormeeray Dhismaha Cusub ee Wasarada Waxbarashada Galmudug oo dhawaan xariga laga jari doono waxana uu Wasiirka Wasarada Waxbarashada Galmudug ku amanay hormarka u garsiyay Wasaarada Waxbarashada Galmudug.