Faahfaahino kala duwan oo ka soo baxaya dagaal labo beelood oo walaalo ah saaka ku dhex maray deegaanka Beeya-cadle oo hoostaga degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

Faahfaahino kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal labo beelood oo walaalo ah saaka ku dhex maray deegaanka Beeya-cadle oo hoostaga degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud, inta la xaqiijiyay 4 ruux ayaa ku geeriyooday, halka 4 kalane ay ku dhaawacmeen, dagaalka saakay ka dhacay Beeya-cadle.

Dagaalkaan ayaa u dhaxeeya labo Beelood oo walaalo ah, oo wada dega deegaano badan oo hoosyimaada degmada Ceelbuur, wuxuuna salka ku hayaa dhul daaqsimeed.

Dadka deegaanka oo aan xariiro kala duwan la sameynay ayaa noo sheegay inuu dagaal istaagay aysan jirin cid kala dhex gashay labo beelood ee ku dagaalamaya deegaanadaasi, mana jirto ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay Dowlada Goboleedka Galmudug oo ku aadan Dagaalkaan saaka ka soo cusboonaaday deegaanada hoosyimaada degmadda Ceelbuur, oo inta badan deegaanadaasi wali ay gacanta ku hayaan Kooxda Al-shabaab.